Gaari kuwa raaxada ah oo marayey inta u dhaxeysa tiyaatarka iyo guriga hooyooyinka rasaas ay ku fureen ciidamada amnigu kuna dhinteen 3 ruux.

0
575

Dilkan oo ay geysteen ciidamo ka tirsan kuwa nabadsugida qaranka ayaa ka dhacey tiyaatarka qaranka iyo guriga hooyooyinka,waxaana ku dhintey sida la sheegayo sadex qof oo midkood haween yahey iyadoo haweeneyda iyo mid kamid ah labada nin oo watey gaari yar oo kuwa raaxada ah ay rasaas ku fureen ciidamadan oo wadada taagnaa,halka qofka sedexaadna ay haleeshey rasaasta ay ciidamadu fureen.

Waxaana markii dilku dhacey ay ciidamada amnigu badeleen markiiba kiiska geerida muwaadiniinta aan waxba galabsan,waxaana la arkayey gawaari kuwa booliska ah oo codbaahiye ku xiranyahey kuwaasoo dadka ku qalqalgelinaya in ay kala xaroodaan oo ay ka fogaadaan qarax yaala goobta shilka dilka ahi ka dhacey,iyagoo qarinaya ama duugaya dilka loo geystey dadkan aan cidna denbiga ka gelin.

Wiilka iyo gabadha gaariga watey cíidamaduna rasaasta ku fureen ayaa la sheegayaa in ay ahaayeen qurbajoog dhawaan dalka soo gaarey kuwaasoo aan wali la garaneyn wadanka ay ka yimaadeen ee ay dhalashada ka heysteen,wuxuuna dilku yimid baa lagu waramayaa iyadoo uu ka badbaadey qarax la doonayey in lagu khaarajiyo taliyaha ciidamada nabadsugida qaranka gen. Bashiir goobe oo ka badbaadey sida la sheegayo qarax loo dhigey wadada (maka almukarama).

Ciidamada amniga qaarkood ayaa aad u jecel in dadku ka baqaan,halkii lagu soo baqan lahaa,waxaana hadalka ay qofka rayidka ah ku yiraahdaan haduu maqli waayo ay markiiba bixiyaan jawaab dil,handadaad,iyo wixii lamid ah taas oo keeni karta in dad ku dhintaan ama ku dhaawacmaan,kalsoonida ciidamada qaranka loo hayaana ay hoos u dhici karto,taas oo dawladu aaney talaabo ka qaadin askarta tacadiyada u geysta dadka rayidka ah.