Diyaarad Helicopter ah oo ay leeyihiin ciidamada AMISOM oo shalay ka amababaxday magalaada muqdisho kuna sii jeeday magalaada baydhabo ay lagu rasaaseeyey duleedka Degmada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay, wararka ayaa sheegaya in gantaal kuwa lidka diyaaradaha ah ay Al-shabaab ku rideen diyaaradaas oo joog hoose ku duulaysay, lamana oga khasaaraha ka dhashay rasaasta diyaardaas lagu tuuray.iyo in waxyeelo soogaartay midna.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in diyaarada oo rasaas ku fureen Dagaalyahan ka tirsan Al-shabaab, taasoo keentay in ciidamada AMISOM ee ka kooban Uganda iyo Burundi ay markiiba weeraro ku qaadaan goobihii gantaalka laga tuuray, “Diyaarado dagaal oo ay leeyihiin AMISOM iyo ciidamo kuwa lug ah ayaa ku qaaday weerar deegaano 5-km u jira Baydhabo, waxaana gantaalo ay rideen ay ku dileen xoolo fara badan” ayaa laga soo xigtay dad reer Miyi ah oo goobta la weeraray ku sugnaa.
Taliska AMISOM iyo Maamulka Gobolka Bay ee Dowlada Somalia ayaan welimka hadlin dagaalka ay diyaaradaha ka qaybqaateen ee ka dhacay duleedka Baydhabo, iyadoo ay noqonayso markii ugu horeysay oo Al-shabaab ay rasaas ku furan diyaarado dagaal oo ay leeyihiin AMISOM
Dhinaca kale wafdi saraakiil ah oo ka socday xafiiska ANSOM ee magaalada muqdisho ayaa shalay gaaray magaalada baydhabo ,waxayna saraakiishaasi kulamo kala duwan baydhabo kula yeesheen saraakiisha hoggaamisa ciidamada AMISOM eek u sugan gobolka bay ,kuwaas oo ay kala hadleen sida la sheegay arrimo ku saabsan howgalada AMISOM oo ay sheegeen in labalaarinayo islamarkaasna ay saldhig weyn ka sameysanayaan ciidamada AMISOM goobo ay ku jirto magaalada baydhabo iyo goobo kale oo ku yaalla gobolada koofurta iyo bartamaha soomaaliya.
Wafidiga ka socday xafiiska ANSOM ee soomaaliya ayaa la sheegay inay dib ugu soo laabteen magaalada muqdisho kadib markii ay dhameysteen kulamadii ay ku yeesheen magaalada baydhabo,lamana oga in diyaardda la weeraray ay tahay tan ay wafdigani la socdeen iyo inay tahay mid kale.




