Warar hoose oo ka soo baxaya guriga r/wasaare kuxigenka ahna wasiirka arrimaha debedda Fawsiyo yuusuf xaaji Aadan (Qabille) ayaa sheegaya in guriga wasiiradda lagala baxey lacag kash ah oo gaareysa $ 50.000 iyo dahab qiimahiisu gaarayo in ka badan $ 30.000 waxaana wararku sheegayaan in la tuhunsanyahey qaar kamid ah shaqaalaha ku sugan guriga wasiirada.
Xatooyada lacagtan ku dhaw boqolka kun dolar ayaa la sheegayaa in loo xirxirey ku dhawaad lix qof oo lagu tuhmayo in ku lug leeyihiin lacagtan la xadey oo aan la garaneyn sida ay ugu suura gashey dadka hawshan xatooyada ah fuliyey.
Arintan ayaa kusoo beegmeysa iyadoo ay jiraan bankiyo in hadana madaxda dawladu guryaha iyo xafiisyada dhigtaan lacago kaash ah oo intaa la’eg iyo dahab,waxeyna aheyd dhawr bil kahor markii uu taliyaha laanta socdaalka iyo jinsiyadaha uu shaaciyey in la jabsadey khasnad xafiiska airborka gudihiisa u tiil lagana baxsadey lacag dhan boqol kun oo dollar,taas oo ka yaabisey dad badan ayey tanina maanta soo shaac baxdey.




