Ciidamada Jabhada Raaskambooni ee maalmo ka hor si buuxda ula wareegay magaalada Kismaayo ka dib dagaal ay la galeen ciidamo taabacsanaa Col. Barre Hiiraale ayaa lagu soo waramayaa iney boob aan kala sooc laheyn iyo dilal ka geysteen magaalada Kismaayo maanta iyo maalmihii ka horeeyey.
Goob joogayaal ku sugan Kismaayo ayaa sheegay in ciidamada la wareegay magaalada ay saaka siyaabo kala duwan ugu dileen halkaas labo ruux oo shacab ah kuwaasoo la tilmaamay iney ahaayeen ganacsato.
“Ciidanka xaafadaha laga saaray ciidamadii Barre Hiiraale ayey gaaf wareegayaan, waxay jabsanayaan goobaha ganacsiga iyagoo gaadiidka tikinikada ku raranaya alaabada ku jirta, ma jirto cid looga dacwoodo qofkii la hadlana xabad bey ugu jawaabayaan” sidaas waxaa yiri goob jooge ku sugan Kismaayo.
Sidoo kale ciidamada ayaa la sheegeyaa iney bililiqo ku hayaan guryaha laga barakacay ee magaalada ku yaala iyagoo raxan raxan u socdan ay xaafadaha wareegayaan, taasoo qoysas badan ka horjoogsatay iney guryahooda ku soo laabtaan.
Axmed Madoobe oo sheegta inuu yahay madaxweynaha maamulka Jubba-land ayaa oo shir jaraaid ku qabtay magaalada Nairobi ayaa qiray iney jiraan kooxo hubeysan oo magaalada Kismaayo ka wada dilal iyo boob lagu hayo guryaha iyo goobaha ganacsiga isagoo xusay iney wax ka qaban doonaan.
Hase ahaatee shacabka magaalada Kismaayo ayaa sheegaya ineysan jirin cid wax ka qabatay dhibaatooyinkan, ayna weli sii socdaan dilalka iyo bililiqada ay geysanayaan ciidamada magaalada la wareegay.




