Xildhibaanada kasoo jeeda baay iyo bakool ayaa hakiyey safar ay ugu kicitimi lahaayeen gobolka bakool,iyadoo ujeedada safarkoodu ahaa in ay doonaan shekh muqtaar roobow abu mansuur oo kusugan tuulo ku taal gobolkaasi bakool isaga iyo ciidamadiisa oo gaaraya ilaa 400 askeri.
Sababta hakinta safarka xildhibaanada ayaa timid kadib markii ay maqleen sida loola dhaqmey janano xildhibaano iyo wax garad loo direy in ay keenaan xasan daahir aweys,kadib markii ay keeneena la garaacey oo la xirxirey,taas oo ka careysiisey dad badan oo bulshada qeybaheeda ah.
Arinta soo dumista iyo keenista xubno ka tirsanaa alshabaab ayaa kusoo beegmeysa kadib khilaaf xaga fekerka ah oo soo kala dhexgaley xarakada alshabaab,taas oo keentey in xubno magac ku lahaa xarakada alshabaab la dilo qaarna la qabqabto lana xiro iyo baxsad ah sida sheekh xasan daahir aweys iyo sheekh muqtaar roobow abuu mansuur.




