Waxaa weli kacsan xaalada
Magaalada Kismaayo ee Gobolka
Jubbada Hoose, wixi ka
dambeeyay markii ay shalay ku
wada dagaalamayn Ciidan kala
taabacsan Sheekh Axmed
Madoobe iyo Col. Barre Hiiraale.
Qaraxyo Gaaraya Ilaa Iyo Seddexda qaraxyo ee maanta ka
dhacay Magaalada Kismaayo oo
lagula eegtay Ciidamada
Midowga Afrika ee Amisom, ayaa
waxay mar sii murjisay xaalada
adag ee Magaalada ka jirta Iyadoona
Qaraxa 3-aad ee Magaalada
Kismaayo maanta ka dhacay, lala eegtay kolonyo
ay la socdeen Ciidamada Amisom,
isla-markaana qaraxaan ay
yimaaneydo, xilli Ciidamada Amisom ay
sii qaadanayeen meydad iyo
gaari, looga gubay labadii
qaraxyo ee dhacay.
Qaraxa 1-aad iyo kan 2-aad ayaa
waxaa Ciidamada Midowga
Afrika ee Amisom lagula eegtay
Xaafada Guulwade ee Magaalada
Kismaayo, gaar ahaan inta u
dhaxeyso wadada Masaajidka
Xaaji Jaamac iyo Sarta C/laahi
Shimbir.
Qaraxyadan ayaan la garaneyn
cidda dhabta ah ee geysatay,
laakiin Ciidamada Amisom ayaa
waxay u soo qab qabteen rag
wadada maraayay, oo la sheegay
inay ku tuhmayaan qaraxyada.
Dadka lagu qab qabtay
hawlgaladaan, ayaa la sheegay
inay Ciidamada Amisom u
wateen dhinaca Garoonka
Magaalada Kismaayo, halkaasoo
la filaayo inay baaritaano ku
marsiin doonaan Waxaana Jirto In Ay Rasaas la Dheceen Hooyo Iyo Caruurteeda Oo Ku Sugnaayeen Meel Aan Sidaasi Kaga Fogeen Halka Lagula Eegtay Qaraxyadaasi.
Magaalada Kismaayo ayaa waxay
u kala qeybsan tahay qeyb
qeyb iyadoona beelaha ugu
waaweyn ee Kismaayo degga, ay
beel kastaba u go’an tahay
qeybta ay Kismaayo ka deggan
Yihiin.




