“Sheekh Xasan Daahir”Qorshaheyga Kuma Jirto In Aan Muqdisho Wax Gor Gortan Ah Ku Galo, Waa Inoo Dalkaasi Qadar.

0
544

Wefdi maanta Ka Ambabaxay
Magaalada Muqdisho oo isugu
jira Siyaasiyiin, wax garad,
Odayaal iyo Xildhibaano ka tirsan
Baarlamaanka Somaliya, ayaa
waxay Sheekh Xasan Daahir
Aweys kulan muddo saacado
ah qaatay, ay kula qaateen
Degmada Cadaado.

Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa
wuxuu cadeeyay inaanu
dooneyn inuu taggo Magaalada
Muqdisho, iyadoo sida uu ku
andacooday aanu qorshaha ugu
jirin inuu ka caga dhigto
Garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho.

Xubnaha ku heybta ah Sheekh
Xasan Daahir Aweys ee gaaray
Degmada Cadaado, ayaa waxay
qaarkood ay si kulul uga
caroodeen diidmada uu u
muujyay Sheekh Xasan Daahir
Aweys, waxayna taasi ku
tilmaameyn middii uu horeyba
uu uga tagey tolkiisa Waxayna u balan qaadeen inaysan
jiri doonin cid ku soo
xadgudubta ammaankiisa,
waxaa kaloo u sheegeen in uu
balanqaad rasmi ah uu ka heysto
dhinaca Madaxweynaha
Dowladda Federalka ee Somaliya,
laakiin uu waxaasi oo dhan ku
qancin Sheekh Xasan Daahir.

Waxa Uu Kaloo
sheegay in qorshihiisu uu ahaa,
kolkii uu isaga soo baxaayay
Degmada Baraawe, inuu tagaayo
Magaalada Doha ee dalka Qatar,
balse aanu ahayn in loo
weecinaayo Magaalada
Muqdisho wuxuuna sheegay inuu
ogol yahay inuu gorgortan la
galo Dowladda Prof. Xasan
Sheekh uu hogaamiyo, hase
ahaatee haddii uu gorgortan la
galaayo uu kula gali doono oo
kaliya Magaalada Doha Ee Qadar.