Xasan daahir aweys oo ay is afgaranwaayeen wax garad iyo xildhibaano muqdisho ka baxey iyadoo sida la soo sheegayo uu diidey xasan daahir in muqdisho uu tago,waxaana warku intaa ku darayaa in shekh xasan daahir uu doonayo in cadaado wixii heshiis ah lagu galo uuna u ambabaxo dalkaasi Qadar ee carbeed.
Shekh xasan daahir aweys ayaa dadki la kulmey ka codsadey in la siiyo hub iyo ciidan uu kula diriro hugaamiyaha dagaalyahanada alshabaab,shekh abu zubeyr,iyadoo dhanka kale la sheegayo in ay dhinteen qaar kamid ah saraakiisha sarsare ee alshabaab sida ibraahim afqaan ninka lagu magacaabo,waxeyna warar is khilaafsan ay sheegayaan in ay xirxiran yihiin madaxda alshabaab ee ku feker noqotey shekh xasan daahir aweys oo isagu iska dhiibey maamulka xibin iyo xeeb magaalada cadaado.
Siyaasada shekh xasan daahir ayaan la garaneyn waxeyna isdhiibistiisu kusoo beegmeysaa iyadoo maamul xibin iyo xeeb ay ku kala feker duwanaadeen iskuna khilaafeen sida loola dhaqmayo shekh xasan daahir oo hada ku sugan magaalada cadaado aanan la ogeyn waxa soo socda iyo xaalku sida uu ku danbeyn doono.




