Ciidamada kenya ee sugan magaalada kismaayo ayaa maanta rasaas ku furey dad riyid ah halkaasna waxaa ku qur’baxey hooyo iyo caruurti ay dhashey iyadoon qofna ka fakan qoyskaas marka laga reebo aabaha qoyskaas oo xiligaas guriga ka maqnaa.
Xasuuqan ay geysteen ciidamada kenya ayaa yimid kadib markii qarax lala eegtey gaari ay saarnaayeen markii qaraxu dhaceyna rasaasti ay fureen ay sababtey geerida qoys dhan waxaana lagu soo waramayaa in qaraxaas ay kaga dhinteen askar aad u badan lana arkayey iyadoo ay gurayaan dhaawacyo iyo meydad qaraxu asiibey.
Qaraxyada loo dhigo ciidamada afrikaanka ah ayaan aheyn kuwo cusub waxaana tabtan isticmaala xogaga dagaalyahanada alshabaab oo aad uga soo horjeeda joogitaanka ciidamada huwanta isbaheysatey ee Amisom la magacbaxey wuxuuna qaraxani kusoo beegmayaa iyadoo ay kismaayo ka taaganyihiin saansaan colaadeed,magaalada gudaheedana laga maqlayo daryanka rasaas aan loo jeedin cida isku rideysa.




