Baarlamaanka soomaaliya oo beryahan xukuumadu hor dhigeysey hindise sharciyeedyo ayaa maanta sheegey in ay meelmarinayaan dhamaan hindise sharciyeedyada xukuumadu soo gudbisey.
Barlamaanka oo uu gudoominayey gudoomiyaha barlamaanka soomaaliya ayaa u muuqda beryahan in uu dardargelinta hawlihiisa gudagaley,isagoon hakad ku imaan kalfadhiyada barlamaanka oo hore loogu yiqiin in ay shuruudo ku xiraan shuruucda iyo xeerarka xukuumadu soo gudbiso.
Hadalkan barlamaanku maanta sheegey ayaa waxa uu kusoo beegmayaa iyadoo xukuumada dr saacid ay golaha barlamaanka horgeysey hindise sharciyeedyo ay soo diyaariyeen qaar kamid ah wasaaradaha dawlada federalka soomaaliya,sida xeerka maamulada gobolada,kan maalgashiga dalka iwm.




