Iyadoo ay kasoo wareegtey 53 sano markii ciidda soomaaliya laga taago calanka bluega ah ee ay dhexda kaga taal xidigta shanta gees leh 1960kii 26 june ayaa gudaha dalka soomaaliya laga saarayaa marka saacadu isku taagto 12:00 saqda dhexe.
Waxaana munaasabada 26ka june ay ka socotaa xarunta madaxtooyada soomaaliya, xarunta gobolka hiiraan beledweyne,xarunta gobolka j/hoose kismaayo,xarunta gobolka sh/hoose marka,gobolka sh/dhexe deg.balcad,gobolka baay beydhabo iyo meelo kale.
Munaasabadda 26ka june ayaa kusoo beegmeysa iyadoo aan la maqlin xuska munaasabada 26ka june,iyadoo xukuumada uu hugaamiyo r/wasaare saacid uu dhawaan magacaabey gudi qabanqaabo oo diyaarinaya damaashaadka maalmaha xoriyada oo dad badan ay ilaaween hadal heyntooda,halka gobolada waqooyi galbeed oo la baxey s/land aan wax muhimad ah laga siin gudaha gobolada s/land.




