Afhayeenka dhanka hawlgalada xarakada alshabaab shekh c/casiis abu muscab oo ka warbixiyey afar hawlgal xarakadu fulisey.

0
619

Afhayeenka dhanka hawlgalada xarakada alshabaab shekh c/casiis abu muscab ayaa sheegey in ay laayeen qaarna qabteen askar u dhalatey dalka siralyoon,oo uu ku jiro sarkaal sare dagaal ka dhacey magaalada kismaayo gaar ahaan airporka iyo jaamacada.

Afhayeenka ayaa sidoo kale ka hadley dagaalki iyo weerarki dhawaan xarakada alshabaab ay ku qaadeen xarunti UNDP ee magaalada muqdisho,isagoo afhayeenku sheegey in ay sii wadidoonaan beegsiga hey’adaha iyo shaqsiyaadka abaabula hagardaamada muslimiinta isagoo u digey dadka guryahooda ka kireynaya hay’adaha sheega in ay qaramada midoobey ka tirsanyihiin iyo kuwa kale ee iyaguna sheega in ay dawli yihiin,kuwaas oo dhamaantood sheegta in ay samafal soomaaliya u joogaan,balse ay dhamaantood sirdoon iyo arrimo qarsoon ka shaqeeyaan.

Xarakada alshabaab ayaa weeraro iyo dagaalo gaadmo ah usoo jeesatey kadib marki ay sheegeen in ay meelo badan xeelad dagaal uga baxeen,sidaas darteed beryahan meelo badan oo maamulkooda lagala wareegey xarakada alshabaab,isagoo afhayeenku intaas ku darey in ay yaaqbariweyne ku gubeen labo baabuur kuna dileen sideed askeri sidoo kalena ku dileen kismaayo askar siiralyoon halka beydhabona ay ku dileen labo askeri oo midkood sarkaalyahey,wuxuuna afhayeenku balanqaadey in ay weeraradan sii wadi doonaan meel kastana laga fili karo in ay hawlgal ka sameyn karaan.