Falaqeynta musuqmaasuqa hey’adaha iyo barnaamijka wararka Max’ud Carab ee radio Sky(Munadamah addacwah al islaamiyah).

0
589

Xubinteena maanta aan kaga hadleyno falaqeynta musuqmaasuqa hey’adaha iyo barnaamijka wararka Max’ud Carab ee radio Sky ayaa noqoneysa Hey’adda (MUNDAMAH A DACWAH AL ISLAAMIYAH).

Hey’adan oo ka hawlgasha meelo badan oo caalamka islaamka ah ayaa kamid ah hey’adaha ka hawlgala dalkeena soomaaliya waxeyna qaabilsanyihiin oo ay islaamka wax uga qaataan a) fidinta diinta islaamka.
b) diyaarinta xujeyda iyo islaamka cumrada u socda.
c) afurinta iyo nafaqeynta masaakiinta bisha ramadaan soo gaara.
Iyo hawlo kale oo lamid ah.

Hey’adan ayaa markii wariye maxamud carab uu ka hadlayey waxaa la falanqeynayey falanqeeye lagu magacaabo karraani oo si xeeldheer ula socda hey’adan,waxa uuna sheegey karraani in hey’adani musuqmaasuq baahsan ay ku shaqeyso,sidii loogu talo galey in ay u shaqeysana ay weecatey isagoo karraani sheegey in tusaale ahaan hey’adani ay bisha ramadaan hal maalin dad afuriso sawirana ka qaadato.

Iyadoona islaamka ka dhaadhicisa in 30ka beri ee ramadaan ay maalin walba sidaas yeesho,sidoo kale waxey musuqmaasuqdaa fiisooyinka xujeyda iyo dadka soo cumreysanaya mana jirto wada shaqeyn ay la leeyihiin wasaarada diinta iyo awqaafta oo shaqadeeda qaabilsan,mana ogola in lala xisaabtamo ama wax la weydiiyo.

Waxaanan rajeyneynaa in la arko hey,adaha dawliga ah iyo kuwa aan dawliga aheyn oo ogaada in dalku dawlad leeyahey lalana xisaabtamo hey’ad kasta oo sheegta in ay dalka gudihiisa ka hawlgasho,hadii kale ay muteysan karto in laga ceyriyo dalka.