Falaqeynta musuqa hey’adaha iyo barnaamijka wararka carab ee radio sky ayaan waxaan maalin walba kusoo qaadanaa hadba xubinta uu wariye maxamud carab kusoo qaato barnaamijkiisa wararka 24ka saac waxaanan maanta kaga hadleynaa shirkadaha iyo kambaniyada waaweyn ee ganacsatada soomaaliyeed leeyihiin waa sidee hab dhaqankoodu? mise yihiin kuwo ka hufan musuq iyo wax is dabamarin?
Xaqiiqdii lama oran karo shirkadaha iyo kambaniyada soomaalidu leedahey waa kuwo ka madaxbanaan musuqmaasuq,hase yeeshee waxey sameysteen xeyndaab laaluush u muuqda oo ay ku laaluusheen warbaahinta,waxaadna arkeysaa shirkadaha xawaaladaha,kuwa isgaarsiinta iyo kambaniyada waaweyn ee dalku si aan wax looga sheegin ayey mediaha siiyeen xeysiin u muuqata laaluush iyo waxba heyga sheegin.
Waxeyna taasi ka dhigantahey dib u dhac dalka iyo dadka saameyn ku yeelanaya mana jirto shirkad ama kambani dalka soomaaliya ka hawlgala oo ka maran musuqmaasuq iyadoo ay jiraan shirkado aan ka heyno macluumaad farabadan oo la xiriira dhacdooyin musuq oo ka dhexdhacey oo aan si gaar ah idinkugu soo gudbindoono shirkadahaas iyo shaqsiyaadka musuqa ka dhex sameeyey,sidaas si la eg habka ay shaqaalaha ku qortaan,canshuur la’aan iyo qiimaha ay wax ku iibsadaan oo aan laheyn jaangooyo dawladeed,waana mida sababtey in shirkaduhu midoobi waayaan mid walbaana sidey doonto bulshada ula dhaqanto,si qofku ugu qasbanaado in uu dhawr madax mobille qaato,waxaan idiin soo gudbin doonaa hadii alle laga helo dhaliisha iyo amaanta shirkadaha ganacsiga dalka oo faahfaahsan inagoo hal hal u kala qaadi doona insha allaah




