Waxaa maanta ka dhacey doorasho u dhacdey si hagaagsan maamulka xubin iyo xeeb ee gobollada mudug iyo galguduud.
Doorashada oo ay u codeeyeen 23 xubnood oo barlamaanka maamulkaas ah ayaa u kala codeeyey 3 murashax oo u tartamayey xilka m/weynaha maamulka xubin iyo xeeb ee gobolada mudug iyo galguduud.
Waxaana doorashada ku guuleystey oo noqdey m/weynihii 2’aad ee maamulka xubin iyo xeeb ninka lagu magacaabo Baarleex,waxaana m/weynihii hore ee maamulkaas maxamed Aadan tíicey oo saxaafada la hadley uu sheegey in ay ku faraxsanyihiin sida doorashadu u dhacdey ayna tahey in ay ku daydaan maamulada kale ee dalka gudihiisa ku yaal,waxeyna imaneysaa doorashadani iyadoo uu ka jiro qas iyo dagaalo hor leh maamulka j/land oo dhawaan looga dhawaaqey dhawr madaxweyne oo mid kasta taageerayaashiisu doorteen.




