Xukuumada Saacid Oo Maamulida Gegada Diyaaradaha Ee Muqdisho Ka Wareejisay Shirkadda (SKA) Una Dhiibtay Shirkad Turkish Ah.

0
581

Golaha Wasiiradda ee
Xukuumadda Federaalka
Soomaaliya ayaa maanta isugu
yimid shirkoodii joogtada ahaa,
waxaana shir gudoominayey
Ra’iisul Wasaare Cabdi Faarax
Shirdoon (Saacid) Iyagoona ka
doodeen qodobo ay ka mid
yihiin:

1. Hindise sharciyeed ay soo
gudbiysay Wasaaradda
Warfaafinta.

2. Shirakad Turki ah oo
dhawaan lagu wareejin
doono maamulka Garoonka
Muqdisho

3. Dib-u-soo celinta
feestooyinkii iyo qadarintii
26 June iyo 1-da Luuliyo

4. Qabashada shir muhiim ah
oo ku saabsan midaynta
manhajka waxbarasho.

Kulanka goluhu markii uu soo
idlaaday waxaa saxaafada uga
warbixiyey qodobadii ka soo
baxay Wasiirka Wasaaradda
Warfaafinta Cabdullahi Cilmooge
Xirsi oo ugu horayntii ka hadlay
ahmiyada uu leeyahay sharciga
duulista cirka iyo saadaasha
hawada Ee Soomaaliya.

“C/llaahi Cilmoge Xirsi“ Sharcigaan waxa uu kaalin mug
leh ka qaadanayaa dib u
hanashada maamulka hawada
Soomaaliya , kobcinta
dhaqaalaha, abuurida shaqooyin
dalka gudihiisa, soo celinta
sharafta iyo karaamada
Soomaaliya, iyo xirfadlayaal sare
oo dalku yeesho, waxaa xusid
mudan in Wasaaraddu ku
guulaystay in ay dib u la soo
noqoto maamulka hawada
Soomaaliya 22 sano kadib oo ay
horay u maamulaysay Hay’ada
(ICAO) ee Qaramada Midoobay u
qaabilsan dhanka hawada.

Goluhu Ayaa Sidoo Kale waxa uu go’aan
saday in shirkad laga leeyahay
dalka Turkiga lagu wareejiyo
maamulka Garoonka Diyaaradaha
Aadan Cade, waxayna shirkadaas
ballan qaaday in mudo sideed
bilood gudaheed ah lagu soo
kordhin doono garoonka isbadal
dhan kasta ah, waxaana
saddexdii sano ee la soo dhaafay
gacanta ku hayey maamulka
garoonka diyaaradaha shirkada (SKA).

Gaba Gabada Kulanka Ayaa goluhu Wexey
isku raaceen in maalmaha 26 June
ee Gobolada Waqooyi ka
xoreebeen Ingriiska iyo 1-da
Luuliyo oo ah maalintii gobolada
Koonfureed xornimada qaateen
isla markaana ah maalinta
Midnimada loo sameeyo
dabaaldegyo ballaaran oo lagu
muujinayo qaranimada
Soomaaliya, waxaana sidoo kale
goluhu meel mariyey in dhamaan
deeqaha dhaqaale ee dalka soo
gala la soo marsiiyo Wasaaradda
Maaliyadda iyo Qorshaynta
Qaranka Soomaaliya.