Boliska Kenya Oo Howlgal Soomaali Badan Ay Ku Qab Qabten Ka Sameeyey Xaafada {Eastliegh} Islii Ee Nairobi.

0
514

Ciidmaada Booliska ee Dowladda
Kenya ayaa waxay aroornimadii
hore ee saakay, ay hawlgalo qab
qabasho leh ay ka sameeyeen
Xaafada Islii (Eastleigh) ee
Magaalada Nairobi.

Hawlgalada oo bilowday 4-tii
subaxnimo ee aroornimadii hore
ee saakay, ayaa waxay ku soo
qab qabteen dad fara badan oo
Soomaali ah, iyadoo dadka
qaarkood la sheegay in lagu sii
daayay laaluush.

Wararka laga helaayo Magaalada
Nairobi ayaa waxay kaloo intaasi
ku darayaan in Ciidamada
Boolisku, ay dib xuriyadoodu u
siinayeen dadka Sharciyada
heysta, laakiin waxay gaadiidka
shabaqlayaasha ay ku
qaadayeen, dadka aanu heysan
lacagaha iyo Sharciyadaba.

Ilaa iyo iminka majirto wax war
ah oo ka soo baxay Taliska
Booliska ee Dowladda Kenya, ee
ku aadan hawlgaladu uu la xiriiro
masuq maasuqa, ee ay
Ciidamadu ka sameeyeen
Xaafadda Islii.

Soomaalida ku dhaqan Xaafadda
Islii ayaa waxay qaarkood ku
sheegayaan inuu jiro hawlgalo,
isla-markaana uu garab mariyay,
oo uu ka nabad yeelay in la qab
qabto.

Saraakiisha Safaarada
Soomaalida ee Magaalada Nairobi
ayaan iyagu weli ka hadlin, dadka
lagu qab qabtay hawlgaladaan,
ee ay Ciidamada Boolisku ku
qaateen gaadiidka
shabaqlayaasha.