Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab Oo Xukun Lug Iyo Gacan Goyn Ah Ka Fulisay Degmada Baar Dheere.

0
572

Dhaq Dhaqaaqa Mujaahidiinta
Al-Shabaab Degmada Baar-Dheere ee
Gobolka Gedo, ayaa waxay Caawa Maqribnimadii xukun
lug iyo gacan goysmo Ah ay ku fuliyeen mid kamid ah
dhalinyarada Ku Dhaqan Baardheere.

Caawa Salaaddii Maqribka kadib ayaa waxay Waxa Ay Isugu Yeereen Shacab
Saldhiga Baardheere hortiisa iyadoona Wiilka Dhalinyarada Ah lagu eedeeyay inuu
dabayaaqadii bishii May fal kufsi
Ah kula kacay, mid kamid ah
hablaha reer Baardheere.

Ehelada Wiilka Xukunka Lagu Fuliyey Ee Lagu Magacaabo Maxamed Cumar Ayaa
goobtaasi soo gaaray
waxaana u suurta gashay inay
halkaasi ka qaadaan.

Al-Shabaab Xukunkaani Ay Caawa Ku Fulisay Wiilkaani Dhalinyarada Ah ayaa waxa ay Ka Mid Tahay Xukunada horey
looga bartay
Balse Ma Ahan wax ku cusub Degmada Baardheere.