Saraakiil Ka Socotay Wazaaradda Gaashaan Dhigga Dowladda Masar Oo Maanta Muqdisho Soo Gaaray.

0
540

Wafuud Saraakiil Ah Oo ka socota Dowladda
Masar ayaa waxay maanta soo
saareyn Magaalada Muqdisho,
iyadoo si wanaagsan loogu soo
dhaweeyay Garoonka
Diyaaradaha Aadan Cadde Ee Magaalada Muqdisho.

Masuuliyiin uu horkacaayo Wasiiru
Dowlaha Madaxtooyada Faarax
Sheekh C/qaadir, ayaa waxay ku soo dhaweeyeen Garoonka Aadan Cadde, waxayna u soo
galbiyeen Aqalka Madaxtooyada
ee Villa Somalia Iyadoona Saraakiisha ka socotay Dowladda
Masar Ay doonayaan
inay gacan ka geystaan dib u
dhiska Xeryaha Ciidamada
Qalabka Sida
kuwooda xilligaan ku yaala Caasimada.

Madaxweynaha Dowladda Masar
Maxamed Mursi, oo
Madaxweynaha Somaliya
horaantii bishii Febraayo ee
sanadkaan, ku qaabilay
Magaalada Qaahira Ayaa Waxa Uu Balan Qaaday In Ay Taageero Dhanwaliba Ah Lagarab Istaagayaan Dadka Soomaaliyeed.