Warka Ka Imaanayo Magaalada Cape Town Ee Dalka Koofur Africa ayaa
sheegaya in nin Soomaali ah uu
faash gacanta Kaga jaray nin U Dhashay Koonfur Afrika oo ka
mid ahaa koox isku
dayday in ay dukaankiisa dhacaan.
Dhacdadan Ayaa Ka
dhacday xaafadda Bounthefel ee
Cape Town oo ah meel dadka
midabka ay degaan
Mid ka mid ah dadkii dukaanka
ka shaqeynayay ayaa
warbaahinta u
sheegay in nimanka iyagoo lix qof ah ay yimaadeen
dukaanka, kuna yiraahdeen
“Miyaadan daawan TV-ga? sow
maadan arag in la boobayo
Soomaalidii kale, idinkana maxaa
idiin yaala, waanan idin
boobeynaa”. Balse mulkiilaha
dukaanka oo ahaa nin
dhiiran ayaa markii ay dukaanka
gacanta la galeen soo
qaatay faash, kadib gacanta si
buuxda oga jaray midkood,
iyada oo kuwii kalan ay carareen Waxaana Durbadiiba Goobta Soo Gaaray Ciidanka Police-ka xaaladana waa mid
kacsan.
Wararka kale oo iyagana naga
soo gaaraya tuulo kale oo ku
taala Cape Town oo lagu
magacaabo Krainfintain oo
dadka madoowga degaan waxa
aysheegayaan in labbo nin oo
Soomaali ah halkaasi lagu tooriyeeyey.
Mid ka mid ah dadka la waxyeeleeyey magacooda ayaa
naloogugu sheegey Maxamuud
Xassan Suufi oo ku magac
dheer ‘Bariis”.
Lama oga in dhacdooyinkani
ayrabshadaha ka dhigi doonaan
kuwa kusoo faafa gobolka
Western Cape, iyada oo
illaa hadda rabshadaha
aysaameeyeen sedex gobol oo
kale.




