Ciidamada dowlada iyo AMISOM oo baaritaan guri guri ah ka wada degmada degmada Wardhiigley.

0
585

howlgaloCiidamada dowlada Somalia oo isugu jira Boolis iyo nabad sugid gacana ka helaya kuwa AMISOM ayaa saaka howlgalo balaaran ka wada degmada Wardhiigley ee gobolka Banaadir.

Howgalladan baaritaanada ah ee saaka ka socda xaafadaha degmada Wardhiigley ayaa saameyn ku yeeshay socodka, dadweynaha, gaadiidka iyo ganacsiga ka jiray degmadaas oo ka mid ah degaanada sida weyn loo degan yahay ee magaalada Muqdisho.

“Saaka markii aan toosnay waxaan aragnay askar xaafadaha dhexdooda jid jid u taagan oo mid mid u galaya guryaha si ay u baaraan, kuwaasoo aan ogoleyn in guryaha laga soo baxo” sidaas waxaa tiri haweeney magaceeda ku sheegtay Asli oo ka mid ah dadka degaanka.

Ciidamada ayaa la arkayaa iyagoo guri guri u baaraya dhamaan guryaha xaafadaha degmada Wardhiigley iyagoo xirxiray dhalinyarada iyo dadka ay ka shakiyaan oo gaaraya boqolaal kuwasoo ay isugu geeyeen goobo gaar ah iyagoo indhaha iyo gacmaha ka xirxiran.

“Saraakiisha ciidamada dowlada ayaan illaa hadda wax faahfaahin ka bixin qaabka ay u socdaan iyo tirada dadka ay ku soo qabqabteen howlgalkaas oo xalay gelinkii dambe bilowday, waxaana lagu tilmaamay inuu yahay mid ka mid ah howgaladii ugu waaweynaa ee laga sameeyo magaalada Muqdisho.

Afhayeenka ciidamada AMISOM Col. Cali Aadan Xaamud ayaa maalmo ka hor sheegay in magaalada Muqdisho ay ka bilaabeen howlgalo balaaran oo la doonayo in lagu baaro dhamaan guryaha iyo dhismayaasha ku yaala magaalada Muqdisho sii loo xaqiijiyo amaanka.

Waxaa uu sheegay in go’aankan lagu baarayo xaafadaha Muqdisho uu yahay mid ay gaareen AMSIOM iyo dowladda Somalia, waxaana lagu qabanayaa ayuu yiri cid walba oo loo arko in ay ammaanka liddi ku tahay, si shacabka Soomaaliyeed ay u helaan amni.