Ciidamada dowladda Soomaliya ayaa ka sameeyeen Howgalo Xaafado ka tirsan Magaalada Jowhar ee xaruunta gobolka shabeeleda dhexe sida dad ku nool Magaaladaasi ay u sheegeen idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdihso.
Howl gallada ay wadaan Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa biloowday shalay gelinkii dambe waxeyna socdeen illaa xalay iyadoo la tilmaamayo in ciidamada ay howl galladaasi ku soo qab qabteen dad aad u tira badan oo ay ku eedeeyeen in falal ka dhan ah ammaanka Magaalada jowhar ay wadeen sida ay sheegeen saraakiisha ciidamada dowladda ee gobolka shabeelaha dhexe
Guddoomiye ku xigeenka gobolka Sh/dhexe Yuusuf Cabdi Cabdulle ayaa waxa uu faah faahin ka bixiyay howl gallada ay Ciidamada ka sameynayaan xaafado ka tirsan Magalada jowhar isagoona sheegay in howl galladaasi lagu soo qab qabtay dad uu ku sheegay in ay ka tirsan yihiin Ururka Al Shabaab.
Marka laga soo tago Howl gallada Ciidamada dowladda ay ka sameeynayaan Magaalada Jowhar ee xaruunta Gobolka Sh/dhexe waxaa sidoo kale Magaaladaasi Maamulka Gobolka uu kusoo ragoy bandow xilliga habenkii ah oo ka billaabanayo 5 ta galabnimo sida dad ku nool Magaaladaasi ay idaacadda Shabelle u sheegeen.




