Duqa Muqdisho oo Guddoomiyaasha Degmooyinka G.Banaadir ugu baaqay in shacabka Reer Muqdisho ay isku keenaan.

0
545

TarsanGuddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaaa ugu baaqay Guddoomiyaasha 17 ka Degmo ee Gobolka Banaadir in ay ka shaqeeyaan sidii la isugu keeni Lahaa Shacabka Muqdisho islamarkaasina loo Mideyn Lahaa.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Max’ud Axmed Nuur Tarsan oo shalay kulan la qaatay Guddoomiyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo Marti sharaf kale oo ka qeyb Galay kulan looga hadlayay Mideynta shacabka Muqdisho iyo sidii Meesha looga saari Lahaa Khilaafaadyadooda ayaa ku baaqay in wax kasta oo is maandhaaf ah shacabku ay Meesha ka saaraan.
Guddoomiye Tarsan ayaa kula dar daarmay 17 ka degmo ee Gobolka Banaadir in ay u’istaagaan sidii loo Mideyn Lahaa Guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed Gaar ahaan Reer Muqdisho.
Mudane Tarsan ayaa shaaca ka qaaday in loo baahanyahay in ay is cafiyaan shacabka Soomaaliyeed islamarkaana Loo baahanyahay in si wada Jir ah loogu istaago soo Celinta Nabad Gelyada dalka.
Sikastaba ha ahaatee Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Max’ud Axmed Nuur Tarsan ayaa muddooyinkii u dambeeyay waxa uu waday dadaallo ku aadan in Shacabka Reer Muqdisho ay ku noolaadaan Nabad iyo Degenaan.