Iyadoo Maalmihii dambe dhibaatooyin dhanka Ammaanka ah ay ka taagnaayeen deegaanada dhaca Xadka kala qeybiya dalalka Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxaa la soo dhigay Ciidamo fara badan oo Kenyan ah.
Ciidamadaan ayaa la sheegay in ay baaritaan ku sameynayaan dadka galaya Gudaha dalka Kenya iyo weliba gaadiidka Xamuulka ah ee imaanaya dhinaca Soomaaliya iyo kuwa ka baxaya dalka Kenya ee soo aadaya Soomaaliya.
Wararka ayaa waxa ay intaasi kudarayaan in u jeedka loo keenay Ciidamadaasi xadka ay u tahay in ay Xaqiijiyaan Ammaanka deegaanada Xadka dhaca iyo La dagaalanka Ururka Al Shabaab oo Maalmihii la soo dhaafay dhibaatooyin ka geysanayay deegaanno ka tirsan Gobolka W/Bari dalka Kenya.
Sikastaba Gudaha Kenya ayaa waxaa ka dhacayay falal ammaan darri tan iyo markii Ciidamada dowladda Kenya ay soo galeen Soomaaliya.




