Gashanle sare Cabdi buule oo ka mid ah taliyaasha howl galinta ciidamada xooga dalka ee gobollada jubboyinka kana tirsanaa saraakiil uu horkacayo taliyihii ciidamada xooga dalka ee gaaray Magaalada kismaayo oo lahadlay Warbaahinta Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu saraakiisha AMISOM ka dalbaday in la joojiyo ciidamada Kenya ee kusugan kismaayo wax yaabaha ay kawadaan Magaalada kismaayo oo uu tilmaamay in ay san ku dhaqmeyn sharciga u yaala ciidamada AMISOM ee ku sugan soomaliya sida uu tilmamay
Gashaanle Cabdi buule oo hadalkiisa sii wata ayaa xukuumadda federaalka Soomaliya iyo Madaxda dowladda ka dalbaday in ay jawaab cad ka bixiyaan howlaha ciidadamada Kenya ay kawaadaan Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka jubbada hoose
Sikastaba ha ahaatee siyaasiin iyo wax garad Soomaliyeed ayaa horay dowladda Kenya ku eedeeyay in ay kulug leedahay Mamullada kala duwan ee ka jira Magaalda kismaayo ee xarunta gobolka jubbada hoose.




