Xamaali Rar Ka Dajineysay Gaari Xamuul Ah Oo Qarax Lagula Eegtay Baqaar Ku Yiilay Suuq-Bacaad.

0
494

Sida Ay Noo Xaqiijiyeen Dadka Deegaanka Qarax miino ayaa wuxuu
duhurnimadii maanta ka dhacay Degmada Yaaqshiid ee
Gobolka Banaadir, waxaana
qaraxaan ku wax yeeloobay ilaa
toddobo ruux Iyadoona Gaar ahaan qaraxa uu ka dhacay Afaafka hore Ee Bakhaar Ganacsi oo ku dhaw Suuq
Bacaad.

Qaraxa ayaa La Sheegay In Uu yaalay banaanka hore ee
Bakhaarka Ganacsi
Xilligii uu qaraxu dhacaayayna waxaa Bakhaarkaan lagu
dejinaayay raashiin, ay gawaarida waaweyn ee
xamuulka ka soo qaadeen
Dekeda Caalamiga ah ee Magaalada Muqdisho.

Shaqaalihii Rarka ka dejineysay gaariga Todobo Ka Mid Ah ayaa waxaa la xaqiijiyay inay qaraxaan ku dhaawacmeyn, iyadoo shan
kamid ah dhaawacyadoodu lagu sheegay kuwo Halis Ah.

Qaraxa kadib ayaa waxaa Shaqaalihii qaraxaan ku dhaawacmay soo Gaaray shacabka ku dhaqan nawaaxiga
Suuq Bacaad, waxaana la
sheegay inay u gurmadeen.

Goobta Uu Ka Dhacay Qaraxa Ayaa Waxaa Soo Gaaray Ciidamada Dowladda waxayna rasaas ku
kala eryeen dadka Deegaanka oo
qaarkood si raxan raxan leh
halkaasi u taagnaa
Mana jirto cid ka hadashay qaraxaani.