Xasan Sh.Max’uud Madaxweynaha Dowladda Federalka ee Soomaaliya ayaa
wuxuu maanta ka hadlay xaalada
murugeesan ee ku soo korortay
Magaalada Kismaayo ee Xarunta
Gobolka Jubbada Hoose.
Waxa Uu Madaxweynaha sheegay inaysan marnaba Dowladda Soomaaliya aqoonsan
doonin,Doorashooyinkii iska soo horjeeday ee ka dhacay sida uu
sheegay Magaalada Kismaayo.
Arinkaasi Ayuu Madaxweynaha wuxuu Ku sababeeyey in
Doorashooyinkaasi ay ka baxsan yihiin Sharuucda dalka u yaala,sidaas daraadeedna aysan
aqoonsan doonin, sida uu hadalka u dhigay Maamuladaasi.
Xasan Sheekh Maxamuud
ayaa wuxuu sheegay in Dowladda Somaliya, ay horey u
cadeysay mowqifkeeda ku aadan shirkii Magaalada Kismaayo, isla-markaana wuuxuu sheegay in la
baal maray, wax yaabihii ay
horey Dowladdu u soo jeedisay.
Sidoo kale Madaxweyne Xasan
Sheekh ayaa wuxuu hoosta ka xariiqay in Dowladdu ay ka soo
horjeedo dagaalo uu dhiig ku daato, oo ka dhaca Jubbooyinka.
Isagoo taasi ka duulaaya ayuu
sheegay inay Magaalada
Kismaayo u direyn Saraakiil Ciidan iyo Guddi, si ay uga
hortaggaan dagaalo ka dhaca Xarunta Jubbada Hoose ee
Kismaayo.
Sidoo kale wuxuu xusay inay
Ciidamada Dowladdu amar ku
siiyeen inaysan fara gishan, dhibaatooyinka ka dhaca Magaalada Kismaayo, inay
xaliyaan mooyee
Wuxuun sheegay inay
xilligaan ka dhur-sugayaan xubnaha ay u direyn Magaalada
Kismaayo natiijada ay ka keenaan, isla-markaana wuxuu
ku celiyay inaysan aqoonsan doonin Maamulada looga kala dhawaaqay Magaalada Kismaayo,
bacdamaa sida uu yiri aanu Dastuurka dalka waafaqsaneyn.




