Xubno Ka Tirsan Mudanayaasha Baarlamanka Soomaaliya oo
tiradoodu lagu sheegay in ay
Gaarayaan 109 Xildhibaan oo
intooda badan ay ka mid ahayeen xildhibaanadii
Mooshinka ka keenay
Xukuumadda uu Hugaamiyo R/
wasare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid Oo kulan ay ku lahaayeen maantay Hotel City Palce La sheegeen In lagu sameyay is hor istaag
ayagoona Xusay in Ciidamo ka tirsan kuwa Nabad Sugidda ay ku amreen maamulka Hotel kasi in aan la qaabilin Xildhibanadaasi.
Cumar Isloow oo ka
mid ah Xildhibanadii Mooshinka ka keenay Xukuumadda
Soomaaliya ayaa sheegay isna in
arinkaasi uu hor seedi doono
Foodo hadii sida uu sheegay aan tilaabo laga qaadin cida ka
danbeeso amarkii maantay lagu
baajiyay kulanka ay yeelan rabeen
Xildhibano ka tirsan Baarlamanka
Soomaaliya
Waxana uu ka
dalbaday madaxda dalka in ay
arinkasi wax ka qabtaan Uuna uu
ugu horeeyo M/weynaha
Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Gur Guurte.




