” Sheekh Max’ed Al-Qaadi” Mujrimiinta Al-Shabaab Waxaan Ka Dilnay Horjoogayaal Ajaaniib Ah.

0
634

Maamulka Ahlu Sunna ee gobolka
Gedo ayaa sheegay in dagaal shalay galinkii dambe ka dhacay agagaarka deegaanka Tuulo-Barwaaqo ee gobolka Gedo ay al-Shabaab kaga
dileen 12 ruux oo ay ku jiraan
laba horjooge.

Sheekh Max’ed Xuseen Isxaaq
(Al-Qaadi) Afhayeenka Ahlu Sunna ee
gobolka Gedo ayaa sheegay in horjoogeyaasha dagaalka lagu
dilay uu midi ahaa ajnibi, halka
kan kale oo uu xusay inuu Soomaali ahaa ayna meydkiisa qoorta ka jareen, si aan loo aqoonsan.

Waxaa uu tilmaamay in sidoo
kale ay ka qabsadeen deegaanno
badan oo ka tirsan gobolka,
isagoo intaa ku daray inay sii
wadayaan howlgallada ka
dhanka ah
Shabaabka.

Sh.Al-Qaaddi ayaa shacabka ugu
baaqay inay soo sheegaan haddii
Ay Arkaan firxadka Al.shabaab Ee
dhex dhuuntaan.