Al-Shabaab Oo Weerar Fool Ka Fool Ah Ku Qaaday Ciidamada Ethopia Ee Ku Sugan Ceel-Barde.

0
571

Wararka ka imaanaya xad ay wadaagaan
Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa
sheegaya in Ay ciidamo Ka Tirsan Al.shabaab xalay fiidkii weerar
dhowr jiho ah ku qaadeen Dagmada Ceelbarde waxaana halkaasi ka
dhacay dagaal Leesku Adeegsaday Hubka Culus.

Mid Ka Mid Ah Saraakiisha Xarakada
Shabaabul Mujaahidiin ayaa
sheegay in
ciidankoodu ay gudaha Magaalada galeen si buuxdana Ay Kala wareegeen
Ceelbarde Ciidamadii Ku Sugneyd.

Sidoo Kale Wararka ayuu intaasi ku daray in dagaalkii xalay Ay Ku dileen 4 katirsan
Ciidamada Ethopia Ayna Ka qaateen qoryihiin ay Ku Dagaalamayeen.

Waa Markii ugu horreysay oo
ciidanka Al,Shabaab Ee Ku Sugan Bay
iyo Bakool weeraraan Ceelbarde tan iyo markii ay ciidamada
Itoobiya isaga bexeen degmada Xudur.