C/wali Iyo Faroole Oo Beesha Caalamka Ugu Baaqeen In La Taageero Axmed Madowe.

0
544

C/raxmaan Shikh Maxamed
Maxamuud Faroolle Gudoomiyaha
Maamulka Puntland ayaa soo
dhaweeyay Doorashadii ay qaar
kamid ah Ergooyinkii Dhisayay
Maamulka Jubaland ay shalay ku
doorteen Axmad Maxamed
Islaam Axmad Madoobe oo horay
u haa Hogaamiyaha Uururka
Raaskaanbooniyiinta.

Faroole ayaa sheegay in uu Soo
dhaweenayo Axmad Islaam in uu
Noqdo Hogaanka Maamulka
Jubaland asagoona sheegay in
uu ku soo biiray Hogaamiyasha
Maamuladda ka jira Dalka Soomaaliya.

Faroole ayaa Sidoo kale waxaa uu Dalalka
Caalamka ka codsaday in ay
Tageeraan maamulka Jubaland
oo sida la sheegay loo dhisay
Gobaladda Jubooyinka iyo Gedo.

Cabdi Wali Maxamed Cali Gaas R/
wasarihii hore ee Xukuumaddii
KMG ahay ayaa isaguna waxa uu
soo dhaweeyay in Hogaanka
Maamulka Jubaland loo Magacabay Axmad
Madoobe.