Diyaarada Air Uganda ayaa waxay dhawaan ka shaqo bilaabi
doontaa Magaalada Muqdisho,
waxaana iminka lagu hawlan
yahay jadwalka ay kaga hawlgeli
doonto Caasimada Somaliya Ee Muqdisho.
Madaxa Shirkadda Air Uganda
Cornwell Muleya, oo maanta
Saxaafada kula hadlay Magaalada
Entebbe oo ku taala Bartamaha
Wadanka Uganda, ayaa wuxuu
shaaciyay in Air Uganda, ay
dhawaan duulimaadyo ka bilaabi
doonto Magaalada Muqdisho.
Cornwell Muleya ayaa wuxuu
sheegay inay iminka diyaar
garow ugu jiraan, sidii Air
Uganda ay uga hawlgeli laheyd
Garoonka Diyaaradaha Aadan
Cadde ee Magaalada Muqdisho.
Masuulkaan ayaan si rasmi ah u
cadeyn xilliga Air Uganda ay
duulimaadyada ka bilaabi doonto
Magaalada Muqdisho, marka laga
reebo inay dhawaan ka hawlgeli
doonto Garoonka Diyaaradaha Entebbe
ayaa waxaa maanta lagu daah
furay diyaarad cusub, taasoo ka
hawl bilaabi doonto qeybaha
kala duwan ee Wadanka Uganda
iyo dalal kale.




