Qarax Ay Ku Dhaawacmeen 3Ruux Ku Weysaqaadanayey Masjid Ku Yaalo Ceel-Gaabta Oo Lagu Lagu Weeraray Ciidamada Dowlada Ee Ku Sugneyd Goobtaasi.

0
462

Qaraxaani Ayaa Noociisu Ahaa bambada gacanta laga tuuro wuxuu
caawa ka dhacay aafafka hore ee
Masaajidka Sheekh Aweys oo ku
yaala Isgoyska Ceel-gaabta Degmada Xamar Weyne ee Magaalada Muqdisho.

Bum,kaani ayaa waxa uu ku dhacay halka lagu weyso qaato ee Masaajidka, iyadoo meel aan ka fogeyn Masjidka ay fariisimo ku leeyihiin Ciidamada Dowladda oo Aad Moodo In Iyaga loola dan lahaa
goobta ay fariisimaha ku lee yihiin
wuxuu taasi Sababay In uu ku dhacay goobta weyso
qaadka, oo ay markaasi ku
weyso qaadanayeen dad Masaajidka u yimid, sidii ay ugu
tukan lahaayeen Salaadda.

Ku Dhawaad seddex ruux oo kamid ahayd
dadkii ku weyso qaadanayay ayaa waxaa lagu soo
waramayaa inay qaraxa ku
dhaawacmeyn, waxaana markii
dambe loo qaaday goobaha
caafimaadka.

Qaraxa Kadib Ayaa Ciidamada Dowladda ee fariisimaha ku leh Isgoyska Ceel-
gaabta Wexey Fureen Rasaas Xoogan waxayna daqiiqado kadib ay hawlgalo ka bilaabeen goobta Qaraxa Uu Ka Dhacay.

Ilaa Iyo Haatan Gacanta Laguma Soo Dhigin Kooxii geystay qaraxaasi waxaana
markiiba Ay isaga baxsadee
goobtaasi, iyadoo aan lagu Guuleysan in gacanta lagu soo
La Soo Qabto Raggaasi Bum,ka Tuuray.