Saraakiisha Police-ka Malta Oo Sheegay In Ay Soo Badbaadiyeen In Ka Badan 80 Tahriibayaal Soomaali Ah.

0
470

83 qof oo u
dhashey dalka Soomaaliya ayaa la
sheegayaa in lagu soo bad-
baadiyey maanta oo Sabti ah
xeebta dalka Malta,Iyadoon
saxaafadda Ay U sheegeen Booliska
dalka Malta.

Dadkan tahriibta ku galay dalka
Malta ayaa kala Ah 82 nin iyo
haweeney dhamaantood ka soo
jeeda dalka Somaliya, waxaana
lagu soo bad-baadiyey laashashka
la buufiyo, kadib markii Doonidii
ay wateen uu ka Halawaay.

Saraakiisha Booliska ayaa sheegaya in
badbadintooda ay aad u adkeyd
maadaama baddu ay aheyd mid
aad u kacsan.

Soomaali aad u
badan ayaa lagu waayey badda u
dhexaysa Waqooyiga Afrika iyo
Koonfurta Yurub, kuwaas oo aan
gaarin ujeedadii safarkooda Ay Ka Lahaayeen.

Malta oo ah dal aad u yar kana mid ah Midowga Yurub
ayaa muddo dheer la
daalaadhaceysay qaxootiga
tahriibku soo gala dalkaas Malta.

Waxaa ku nool Malta Soomaali
badan oo ku xeraysan xeryo qaxooti oo aysan ka bixi karin Waqtigii Ay Doonaan.