Puntland oo ay khal khal siyaasadeed iyo gadood ciidamada qalabka sida soo wajaheen.

0
506

Iyadoo dhawaanahanba uu jirey khal khal siyaasadeed iyo kala shaki soo kala dhex galey bulshada qeybaheeda kala duwan ayaa waxaa soo kordhey gadood ciidamada puntland oo ka cabanaya mushaar la’aan ayna la wareegeen meelo muhiim u ah dhaqaalaha puntland sida dekedda iyo airboorka.

Sidoo kale waxaa jira siyaasiyiin iyo wax garad kasoo horjeeda siyaasada puntland ay waqtigan ku socoto,sida m/weynihi hore ee puntland cadde muuse xirsi oo maanta shir jaraa’id ku qabtey magaalada qardho ayaa sheegey in aaney jirin dimuquraadiyad iyo xisbiyo ku tartama hugaaminta puntland hase yeeshee waan aragnaa waxa la damacsanyahey in ay yihiin ku shubasho iyo fawdo la doonayo in puntland ay gasho,waanan ka digayaa horena waan uga digi jirey.

Cadde muuse ayaa madaxda dhaqanka ugu baaqey in ay soo farageliyaan xaalada jirta xilkoodana gutaan,hase yeeshee m/weyne faroole ayaan aheyn nin ay marayaan waxa laga hadlayo doonayana in
uu awood ku meel mariyo rabitaankiisa xukun jaceyl iyo xisbiyo magac u yaalka ah ee uu sheegey in puntland u gudubtey.

Dhibaatooyinkan hada kasoo cusboonaadey puntland ay u muuqda kuwa salka ku haya is riix riix siyaasadeed beelo ku sii fadhiya lamana oga waxa dhalan kara hadii aan la kala roonaan iyadoo lagu quusqaadan karo khilaafku halka uu nagaarsiiyey iyo bur burka laga dhaxley wax isu quuri waaga dadka soomaaliyeed wada saameeyey.