Kulanka xukuumada soomaaliya oo uu shir gudoominayey r/w saacid ayaa lagaga hadley qodobo dhawr ah.

0
485

Kulanka golaha xukuumada soomaaliya oo uu shir gudoominayey r/w saacid ayaa waxaa lagaga hadley qodobo dhawr ah oo ay ka mid ahaayeen soo gelista dadka ajnabiga ah ee gudaha dalka soomaaliya iyo qodobo kale.

Wasirka warfaafinta boostaha iyo isgaarsiinta cabdulaahi ciilmooge xirsi oo warbaahinta la hadlay shirka kadib ayaa sheegey in ay doonayaan in la kontoroolo dadka dalka iska soo gelaya,isagoo wasiirku sheegey in ciidamada amisom aan laga yeelayn in ay dad soo geliyaan dalka si sharciga aan waafaqsaneyn,isla markaana aaney qori karin shaqaale aan dawladu ogeyn.

Xukuumada ayaa shirkan ay maanta yeelatey sidoo kale waxey ku sheegtey in aaney jirin shisheeye shaaqaale ka noqon kara gudaha dalka soomaaliya hadii aan la waayin cid soomaali ah oo shaqadaas qaban karta,waxeyna kusoo beegmeysaa xili soomaaliya loogu yaboohey malaayiin dolar shirka dhawaan kusoo dhamaadey dalka ingriiska magaalada london.

Hawshan oo fulinteeda iyo sida lagu hirgelin karo ayaa loo xil saarey tiro wasiiro uu ku jiro wasirka warfaafinta bostaha iyo isgaarsinta md ciilmooge lamana oga sida ay xukuumadu xal xukuumadu uga gaari karto arinta la xiriirta kontorolka dalka si loola socdo qof kasta oo dalka soo gelaya,taas oo aan ka farxin doonin jananada iyo saraakiisha dalka ku sugan.