Wariyayaal Ka Howlgali Jiray Idaacada Al-Andulus Ee Ku Ku Hadasha Afka Shabaabka Oo Isu Soo Dhiibay Dhanka Dowlada.

0
729

Weriyayaashaani ka tirsanaa Raadiyaha Al-Andalus ee ku hadla afka al-Shabaab
ayaa isku dhiibay taliska ciidamada nabad sugida Ee
Baydhabo.

Cabdikariin Jakarta
iyo Aways Cumar Cali
ayaa ka howlgeli jiray idaacadda Al-Andalus laantii ay ku lahaan jirtay
magaalada Baydhabo ka hor intii
aan lagala wareegin Xarakada Shabaab Iyadoona Labada weriye ka hor inta
aaney isa soo dhiibin ay maalmihii ugu dambeeyay ku
sugnaayeen degmada
Buurhakabo oo ay soo gaareen,
waxaana haatan lagu hayaa saldhigga magaalada Baydhabo Ee Nabad Sugida.

Maamulka Magaalada Baydhabo Ayaa Sheegay In Dhawaan uu saxaafadda u soo bandhigo weriyeyaasha ka soo goostay
kooxda al-Shabaab.

Wariyayaashani Ka tirsanaa Idaacada Andulus Ee Afka Al-Shabaab Ku Hadla Ayaa Ah Markii Ugu Horeysay ay soo goostaan Mana jirto Ilaa Iyo Haatan Madax ka tirsan al-Shabaab oo ka hadashay
isa soo dhiibista wariyaashaan La Sheegay Iney U Soo Baxsadeen Dhanka Dowladda.