Dowlada Britain ayaa bishii janaayo
2013 ku dhawaaqey shirkan in
ay marti gelinayaan, waxaa soo
qaban qaabiyey Dowladda
Ingriiska, waxaana wada
shirguddoominaya Britain Iyo Soomaaliya.
David Cameron Ra’iisul-wasaaraha Britain oo shirka furay, ayaa
sheegay in rajada Soomaaliya ay
nooshahay, beesha caalamkana
looga baahan yahay inay Dowlada Somalia taageerto waxaana uu Ka hadley sida ay
Xukuumaddiisa uga go’an tahay
in ay taageerto horumarka
Somaliya gaartey.
Sidoo Kale Ra’iisul wasaare David Cameron,
ayaa intaa ku daray in dowladda
Soomaaliya ay horumar ka
samaysay dhinaca xisaabtanka. Si
looga hortago barkac
ballaaran iyo dhoofinta
argagixisada.
Xasan Sh.Max’ud Madaxweynaha Jamhuuriyadda
Soomaaliya oo khudbad ka
jeediyey shirka ayaa ugu horeyn u
mahad naqey ka soo
qaybgalayaasha, waxaana uu
mahad ballaaran u direy Xukuumadda Britian ee isku
hawshey shirkan Taaba Galinteeda.
Mudane Xasan Sh. ayaa ka Ka Hadlay nidaamka dowladiisu Ay raaceyso taas oo uu ku sheegay in ay ka kooban
tahay 6 tiir oo uu ballan qaadey
sanadkii hore in ay Siindoonaan muhimadda.
Sido Kale Madaxwaynaha ayaa sheegay in
Soomaaliya u baahan tahay in laga
taageero caawinaad iyo maalgalin iyo in
laga ilaaliyo kuwa isku dayaya in ay na burburiyaan.
Xassan Shiikh Maxamuud
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa
sheegay in dalkiisa ay ka taagan
tahay dhibaatooyin dhanka
horumarka ah gaar ahaa
iskoolada, Isbitaalada, Jidadka,
Xarumaha Dowladda iyo adeega
asaasiga ah, Waxaana London u
joognaa sidii aan caqabadahaas
oo kale u waajihi lahayn.
Madaxweynaha ayaa sheegay in
ay isbedel ku sameeyeen
arrimaha caddaaladda ee dalka,
isla amrkaana uu socdo
dhismaha ciidanka iyo dib u
habaynta Booliska Soomaaliya Wuxuuna Madaxweynaha
khudbadiisa ku soo qaatey in
horumarka dhawaan la gaarey ay
gacan weyn ka geysteen dalalka
Midowga Africa iyo urur goboleedka IGAD, si gaar ah
waxa uu Mahad ugu celiyey
dalaka Turkiga, Norway
Maraykankna, Japan iyo Midowga
Yurub Iyadona Ay
Shirkani ka soo qaybgaleen
in ka badan 50 Oo Caalamka Ka Tirsan.




