Xiisad dagaal oo ka dhex aloosan maamuladda puntland iyo galmudug ee deg.gaalkacyo.

0
506

Sida wararku nagu soo gaarayaan waxaa xisad dagaal ka dhex aloosantey maamulada puntland iyo galmudug magaalada gaalkacyo gaar ahaan xaafadda garsoor ee dhinaca puntland.

Labada ciidan ee kala taabacsan puntland iyo galmudug ayaa isku hor fadhiya xaafada garsoor ee degmada gaalkacyo lamana oga waxa leysku hayo iyadoo ay xaafadaasi hore u raacsaneyd dhinaca puntland ayaan hada la ogeyn waxa ay furin dagaal u noqotey,waxaana hore u dhacey khilaaf soo kala dhex galey beesha deegaanka garsoor iyo maamulka puntland ee gaalkacyo,kaas oo laga heshiiyey,iyadoon la ogeyn in uu lug ku leeyahey khilaafaadki hore loo dhameeyey iyo in kale.

Ma ahan markii ugu horeysey ee puntland iyo galmudug uu khilaaf soo kala dhexgalo waana mid badanaaba aan dhaafin gobolka mudug oo labada maamulba wada degenyiin,wuxuuna kusoo beegmayaa iyadoo uu dhawaan m/weyne xasan shekh uu booqasho ku tagey puntland halka galmudug ay dhimantahey wali aragtida m/weynaha sidii loo doorteyba.