“Sh.Cali Dhere” Weerarka Waziirka Waxaan U Adeegsanay Gaari Walxaha Qarxo Laga Buuxiyey Oo Aan Hareeraha Wadada U Dhignay.

0
454

Sh.Cali Max’ud Raage Cali Dhere Afahayeenka Guud Ee Xarakada Shabaabul
Mujaahidiin ayaa sheegay weerarkii maanta Muqdisho ka
dhacay In Ay Iyaga Ay Masuul Ka Yihiin.

Sh.Cali Dheere ayaa sheegtay in ay
gaari miineysan ku weerareen wasiirka arrimaha gudaha Dowlada Soomaaliya
iyo wafdi caddaan ah oo Uu ku sifeyyay Calooshood
u shaqeystayaal xilli ay marayeen
bartamaha Agagaarka Isgoyska K.M4.

“Sh Cali Dheere “Mujaahidiinta ayaa maanta
beegsaday wasiirka arrimaha
gudaha xukuumadda Ridada iyo
wafdi caddaan calooshood u
shaqeystayaal ah,weerarka
waxaan u adeegsanay gaari
walxaha qarxa lagasoo buuxiyay
oo aan u dhignay wadada hareeraheeda”ayuu yirri Cali Dhere.

Sidoo Kale wuxuu
tilmaamay in gaariga Oo miineysnaa
uu wadada ku sugayay bartilmaameedka kadibna uu
sidii larabay u beegsaday Wafdigii Uu Horkacayey C/karin Xusen Guuled.

Cali Dhere Wuxu Intaasi Raaciyey In Xarakada Shabaabul Mujaahid
qaraxii maanta Ay La Beegsadeen waqti munaasab ah
sida muuqatana Uu Ahaa mid aad loogasoo
shaqeeyay marka loo eego goobta uu ka dhacay iyo
marxalada ay mareyso
Xukuumadda uu madaxa ka
yahay Xasan Sh.Max’uud.