Qarax ka dhashey gaari lagu
soo xirey Waxyaabaha Qarxa Ayaa Subaxnimaddii Maanta waxa uu ka
dhacay Wadada Gasha Isgoyska K.M4 halkaasoo ah meelaha ugu mashquulka badan
magaalada Muqdisho.
Qaraxaani Oo ahaa
mid qorsheysan isla markaan Uu fuliyey gaari lagu soo xirey
Bom,ka Qarxa Waxaana qaraxa lala
beegsadey Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda
federaaliga ah ee Soomaaliya
C/ kariin Xuseen guuleed iyo
wefdi ka socdey dalka Qatar.
Gaarigaasi Qarxay Ayaa La Sheegay Ninka wadey in uu
isku dayey in uu kala dhexgalo gawaaridii wefdiga taas oo u
suurta geli weydey, Iyadoona Uu Isku Qarxiyey isla
goobtii looga Shakiyey.
Qaraxa Ayaa Waxaa Ku Geeriyootay In Ka Badan 11 Ruux waxaana ku
dhaawacmey Ku Dhawaad 25 qof
mana cadda Ilaa Iyo Hada in saraakiil
ka mid ah dowladda ay waxyeelo
soo gaartey Waxaana
warbaahinta u sheegay in
goobta qaraxu ka dhacay ay
ahayd Boosteejo laga raaco gawaarida dadweynaha Warsame Joodax.
Qaraxani ayaa imaanaya iyada oo
muddo 4 cisho ah magaalada
Muqdisho, jidadkeeda waaweyn
u xirnaayeen Dowladda,
Madaxweynaha Soomaaliyana Uu
sheegay in muddadii ay xirnaayeen la baajiyey Al-Shabaab dhiig badan oo ay daadin lahaayeen.
Sidoo Kalena weerarkan Waxa Uu Ku soo beegmayo
xili maalintii shalay Uu Hoggaamiyaha Al-Shabaab Abu-Zubeyr Uu Sheegay In
weerarada cayn kani oo kale ah Ay La Beegsan Doonaan Madaxda Dowlada.




