Suxufiyiinta ka hawlgala somaliland oo loo diidey in ay u xafladeeyaan maalinta 3da may ee ku asteysan maalinta saxaafadda adduunka.

0
469

Waxaa ay ka hor istaageen maamulka ka arimiya s/land xuska maalinta 03/may/2013 ee adduunka oo dhani u asteeyey saxaafada iyo suxufiyiinta caalamka ka hawlgala in ay xasuustaan,waxaana saxafiyiinta ka hawlgala s/land aad moodaa in ay adduunki ka hareen maadaama bey yiraahdeen naloo diidey fantasiyihii ay ku tala galeen iyagoo saxafiyiintu sheegey in ay mareen shuruudihii looga baahnaa isasoo bax nabadeed.

Waxaan ogeysiiney hey’adaha amniga dhamaantood hase yeeshee waxaan soo toosney iyadoo la goo gooyey halku dhegyadii aan ugu talo galney sadexda may buu yiri xoghayaha ururka suxufiyiinta s/land.

Ilaa iyo hadda lama oga waxa ay qoonsadeen maamulka s/land,waxeyse u badantahey in maamulku ka baqey in saxafiyiintu ka hadlaan arrin xasaasi ah oo maamulku dhawaan wadahadalo kula yeeshey dawlada federalka soomaaliya dalka turkiga heshiiska wada hadaladana la diidey in lasoo bandhigo oo ay ku kala qeybsameen xubnaha barlamaanka soomaaliya.

Waxeyna tani kusoo beegmeysaa iyadoo la filayo in 7 bishan lagu kulmo dalka ingriiska kaas oo waqtigan aysan s/land iyo puntland labaduba ka qeyb geleyn,hase yeeshee ay jiraan wada hadalo qarsoon oo soomaalida u dhaxeeya,gaar ahaan dawlada federalka iyo maamulada ka jira dalka soomaaliya.