Mamulka Gobolka Banadir oo u Magacabay Guddomiye Cusub Degmada Daynile kadib xilka ay ka qaaday Guddomiyihii hore.

0
488

Maamulka Gobalka Banaadir ayaa maanta Guddoomiye cusub u magacaabay dagmada Deyniile ee Gobalka Banaadir iyadoo munaasibad uu xilka kula wareegayay Guddomiyahay cusub ee dagmadaasi lagu qabtay xarunta dagmada Deyniile ee gobalka Banaadir.
Munaasabada ay xilka xilka kula kala wareegayeen maamulka cusub ee dagmada iyo kii hore ayaa waxaa ka qeyb galay xildhibaano ka tirsan Baarlamanka, saraakiil ka tirsan ciidamada amaanka, maamulka gobolka iyo shacab aad u badan.
Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Maxamed Yuusuf Cusmaan oo aqriyay digreetadii lagu magacaabay guddoomiyaha ayaa sheegay in 18 april guddoomiyaha dagmada loo magacaabay Xiirey Maxudiin Cumar.
Guddoomiyahii hore ee dagmada Daayniile Daahir Xasan Xuseen ayaa sheegay in uu la shaqeynayo maamulka cusub ee dagmada loo magacaabay.
Sidoo kale guddoomiyaha dagmada Daayniile Xiirey Muxudiin Cumar ayaa uga mahad celiyay guddoomiyahii hore ee dagmada Daayniile waxa uuna tilmaamay in ay sii ku dadaalayo hormarinta dagmada.
Ugu dambeyntii taliyaha hoggaanka dambibaarista ahna afhayeenka ciidanka Booliska C/llaahi Xasan Bariisay ayaa tilmaamay in dagmada ay ka howlgalayaan ciidamada Booliska iyo nabadsugida ayna diyaar ku yihiin saldhigayada, waxa uuna ugu baaqay shacabka in ay la shaqeyaan.