Guddoomiyaha xisbiga Hiil Qaran Axmed Ismacil Samatar oo iska casilay xubinimada Barlamanka.

0
456

Prof.Axmad Ismaaciil Samatar oo horay uga mid ahaa Musharaxiintii u tartamayay Xilka Madaxtinimo ee Soomaaliya ahna Xildhibaan ka tirsan Baarlamanka Somlia ayaa Sheegay in si toos ah uu iskaga casilay xubinimadda Barlamanka Soomaliya.
Mr Samatar ayaa sheegay in uu ugudbiyay warqadda cadeenaysa in uusan ka sii mid ahaaneenin Baarlamanka Soomaliya gudoomiyha Baarlamanka Soomaaliya Maxamed Shikh Cismaan Jawaari asagona tilmaamy in uusan ahayn Xildhibankii ugu horeyay oo is casila ayna ka horeyen Xildhibano uu ka mid ahaa Ra’’isul Wasarihii hore ee xukumadii KMG ahayd C/wali Maxamed Cali Gaas.
Sidoo kale Axmad Ismaaciil Samatar waxaa uu ka hadlay Xaladdda Maamulka Somaliland iyo Dowladda Fedeaalka Soomaliya waxana uu shegay in ay Dib isku fahmaan oo ay meel wada fadhiistaan islamarkanalawada wadahadlaan wixii la soo wada maray in ay lagama maarmaan tahay waxana uu carbaabay in meshaa ay tahay mesha kaliya ay Somalia ka soo noolaan karto oo dad is leh ay ka noqon karto sida uu yiri Prka.