Wararka ka imaanaya deegaanada u dhaxeeyo Magaalada Jowar ee gobolka Shabelaha Dhexe iyo magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in rag hubaysan ay wadada u galaan gawaarida BL-ka ee ku safra inta u dhaxayso magaalooyinkaas.
Dadka safarleeyda ayaa ka cabanaya rag wata labiska Dagaal yahanada AL Shabab kuwaas oo dhac joogto ah ku haayo sida ay sheegeen gawaarida ku safarta inta u dhaxayso gobolada Hiiraan iyo Shabelaha Dhexe.
Ragaan hubaysan ayaa ka qaata rakaabka wax kasto oo hanti ah oo ay wataan isla markaasna dhacaas uu noqday mid joogto ah.
Safarleeyda qaarkood ayaa ku eedeay dagaal yahanada Al Shabab inay yihiin waxa dhaca u gaysta maadaama goobta ay iyaga ka taliyaan isla markaasna raga dhaca ay ka tirsan yihiin AL Shabab.
Ma jiro war taageeraayo sheegashada Rakaabka qaarkood oo ku eedeyaya Dagaal yahanno ka tirsan AL Shabab inay dhacaan safarkooda.




