Dowladda Maraykanka oo ugu digtay Muwaadiniinteda inay u socdaalaan Burundi xilli laga cabsi qabo inay Al Shabab weerar ka gaysato.

0
454

War qoraal ah oo kasoo baxay Waaxda arrimaha dibbadda ee Maraykanka ayaa waxay ay ka digtay suurtagalnimada in Kooxda Al-Shabab ee ka dagaalanta dalka Somalia ay weeraro ka geystaan gudaha wadanka Burundi gaar ahaan danaha Maraykanku uu dalkaasi ku leeyahay.
Maraykanku waxay sheegeen inay u digayaan dadka Maraykanka ah inay safari ku tagaan wadankaasi Burundi isla markaana ay aad looga digtoonaado weeraradaaso oo Maraykanku sheegay in Soomaaliya laga maleegay.
Wasaaradda arrimaha dibadda Maraykanka ayaa wargalisay Wasaaradda Amaanka dalka Burundi cabsida laga qabo inay Al Shabab weeraro qorsheysan ka gaystaan dalkaas.
Safaaradda Maraykanka uu ku leeyahay dalka Burundi ayaa ugu baaqday muwaadiniinta Maraykanka inay u socdaalaan dalkaas.
Dadka Maraykanka ah ee sugan meelaha ka fog fog magaalada caasimada ah ayaa laga codsaday inay deg deg safaaradda ugu xaroodaan maadaama ay iyana bartilmaameed noqon karaan.
Burundi ayaa waxay ka mid tahay dawladaha ay Soomaaliya ka joogaan ciidamo qeyb ka ah kuwa AMISOM oo Soomaaliya Shabab kula dagaalama waana taas sababta keeneysa in Shababku ay weeraraan dalkaasi.