Madaxweynaha Somalia oo ka qeyb galay xaflad lagu furayay Tallaalka Carrurta.

0
504

Xasan Sheekh Maxamuud oo ah Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta xariga kajaray munaasabad lagu furayay Talaalka carruurta kaas oo lagu talagay in looga Tallaalo Ilaa Shan cudur oo dilaa ah.
Munaasabadan xariga looga jarayay talaalka oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda horumarinta adeegga Bulshada Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha dalka, wasiirro ka tirsan xukuumadda, xildhibaano, saraakiil ka socday hay’addaha Qaramada Midoobay,Dhaqaatiir, Ururada bulshada iyo dadweyna aad u badan.
Talaalkan uu maanta xariga ka jaray Madaxweynaha ayaa waxa uu yahay mid carruurta looga talaalayo shan cudur oo dilaa ah oo ay ka mid tahay Qaaxada Jadeecada iyo Xiiqdheerta Goojiyaha iyo cuduro kale oo dilaa ah oo ku dhaco curruurta.
Maryam Qaasim Axmed oo ah Wasiiradda adeegga bulshada xukuumadda Soomaaliya oo hadal ka jeedisay munaasabada ayaa sheegtay in talaalkan maanta la furay ay ku jiraan Saddex Talaal oo cusub kaas oo markii ugu horeeyay la keenay dalka Soomaaliya uuna yahay mid qaali ah.
Madaxweyne Xasan Shiiq ayaa talaalka ku bilaabay laba carruur ah isagoona gacantiisa ugu dhibciyay Talaalka, waxa uuna sheegay in talaalkan uu wax wey ka badalayo caafimaadka carruur badan oo Soomaali ah.
Mudane Xasan Shiiq Maxamuud ayaa tilmaamay in maleeshiyada shabaab Shantii sano ee la soo dhaafay ay carruur badan seejiyeen waqtigii talaalka madaama ay ka mamcuune in la geeyo Talaal.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa ugu baaqay bulshada in ay dadka talaalka ku howlan ay gacan ka siyaan talaalka carruurtooda si loo cirib tiro cudurada dilaaga ah.