Kulan Ay Yeesheen Baarlamaanka dalka
Ugaanda ayaa
waxaa Hadalkaan Ka Sheegay Xog-hayaha joogtada ah ee
wasaaradda arrimaha dibedda
Uganda Danjire James Mugumbe,
Waxaa uu Tibaaxay in maadama
ay dowladda Uganda kaalin weyn Ku Leedahay Arimaha
Siyaasada iyo Xasilinta Dalkaasi
Ay Lama Huraan tahay in la helo
xarun weyn oo laga taageero ciidanka dalka Uganda ee ku
sugan Soomaaliya Kuwaasoo Xoogaga Al Shabaab Dagaal Kula Jira.
Sidoo Kale James Mugumbe Xog hayaha
joogtada ah ee wasaaradda
arrimaha dibadda ee dalka Uganda waxa uu sheegay in uu
soo gudbin doono
miisaaniyadda loogu talagalay in lagu Furo Safaarada Dowladda
Ugaanda ee Wadanka Soomaaliya oo ay Dowladdaasi Ku Howlan tahay.
Dalka Uganda ayaa waxaa ay
ka mid tahay Dowladaha ay
Ciidamadu ka Joogaan Dalka
Soomaaliya waliba Ciidanka ugu
Badan ee AMISOM ay ka socdaan
dalka Uganda.




