Madaxweynaha maamulka Somaliland Siilaanyo oo la kulmay David Cameron.

0
643

Madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa xalay magaalada London kula kulmay raysul wasaaraha Britain David Cameron.
Kulanka oo ahaa kii ugu horreeyay oo si toos ah u dhex mara David Cameron iyo Siilaanyo ayay labada masuul waxay uga wada hadleen arrimo ay ka mid yihiin xoojinta xiriirkooda, iskaashiga ammaanka iyo shirka May 7 ka dhici doona London.
Raysul wasaare David Cameron ayaa ku celiyay ahmiyadda uu u leeyahay maamulka Somaliland ka qeyb-galka shirka London ee looga hadlayo arrimaha Soomaaliya.
David Cameron ayaa sheegay in sii wadidda wada-hadalka u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland uusan keliya mudnaan weyn ugu fadhin dowladda UK balse uu muhiim u yahay Somaliland.
Madaxweyne Siilaanyo iyo wafdigiisa oo haatan ku sugan UK ayaa dhowaan u dhoofi doona dalka Mareykanka oo lagu wado inay kula kulmaan madax ka tirsan Mareykanka iyo jaaliyadda Somaliland ee dalkaas ku dhaqan.