Dowlada Britian Oo Muwaadiniinteda Kaga Digtay Iney Ka Soo Baxaan Soomaaliya.

0
472

Xafiiska Arrimaha Dibadda iyo
Shucuubta Britain FCO ayaa
aaminsan in ay gaartey halkii u
danbeysey oo kooxaha
aragaixisadu ay qorshaynayaan
in ay weeraro ka fuliyaan
magalada Muqdisho, waxaana
loo digey dhamaan dadka Britain
u dhashey in ay halkaas Ka Soo
safraan.

Sidoo Kale Waxaa digniin tan la mid ah la
siiyey dhamaan dadka
xeeldheerayaasha la taliyaasha
ah, in ay iyaguna isaga soo
baxaan Soomaaliya, iyada oo isla
digniintan lagu daray in ay jirto
khatar ka dhan ah reer
galbeedka ku sugan Somaliland.

Afhayeen u hadley Arrimaha
dibadda iyo Shucuubta Britain
ayaa shegay in ay wax ka
beddeleen Talada safar ee dalka
Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya oo
arrimaha sirdoonkeedu uu yahay
mid aan jirin isla markaana
jawaab sax ah ka bixin karin
arrimaha dalalka shesheeye ka
hadlayaan ayaan weli wax war
ah ka soo saarin khatartan la
sheegaayo in ay Muqdisho ku
soo wajahan tahay.

Digniintan ayaa ku soo
beegmeysa iyada oo 30
maalmood oo keliya ay ka harsan
tahay shir ballaaran oo Midowga
Boqortooyadu (UK) ay
Soomaaliya u qabanayaan.